Friday, June 27, 2025

Aqalka Sare oo shaaciyey inuusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu ka codsadey Guddoomiyaha Aqalka Sare

Aqalka Sare ayaa war kasoo saaray kulanka gaarka wadajirka ah ee la sheegay in loogu yeeray labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal wargelin ah oo ku socday mudanayaasha Aqalka Sare, kana soo baxay guddoonka Aqalka Sar ayaa lagu yiri: “Dhammaan Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaa lagu wargelinayaa in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu kasoo codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeerhoosaadka Golaha. Sidaas darteed, ma jiro kulan wadajir ah oo ay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u ballansan yihiin birito oo taariikhdu tahay 06 Febraayo 2021.”

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa hore u shaaiyey inuu jiro kulan gaara oo Madaxweynaha ugu yeeray labada Aqal ee Baarlamaanka, kaasoo Berri dhacaya, waxaana muuqata in kulankan ay ku kala qeybsan yihiin labada Aqal ee Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON