Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa maanta shaaciyay Jadwalka Doorashada Guddoonka Aqalka Sare.
Jadwalka ayaa waxaa ku cad in doorashada Guddoomiyaha iyo labada gudddoomiye ku xigeen la dooranayo 26-ka April 2022, maalin ka hor Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.
Hoos ka akhriso jadwalka
1- Is-diiwaangelin musharixiinta Guddoonka Golaha Aqalka Sare (Xilliga shaqada: 09:00 Am ilaa 04:00 pm) taariikh 19, 20 iyo 21 April, 2022.
2- Hadal jeedinta musharixiinta Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada ee Golaha Aqalka Sare BFS taariikh 23 iyo 24 April, 2022.
3- Is-diyaarinta Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee BFS 25 April, 2022.
4- Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taariikh 26 April, 2022.
