Saturday, June 28, 2025

Ashabaab oo War kasoo saartay Qarax lala beegsaday Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qarax lala beegsaday Kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jen. Maxamed C/raxmaan Aadan.

Sida ay baahiyeen Warbaahinta Alshabaab; Wararka kasoo baxay Alshabaab waxaa ayaa lagu sheegay in lagu beegsaday Taliyaha ciidamada Asluubta Jen. Mahad Cabdi Raxmaan Aadan, iyadoo qaraxa uu haleelay gaari ka mida kuwii galbinayey ee ilaalada Taliyaha.

Alshabaab ayaa sheegtay inuu Taliyaha Asluubta si dirqi ah uga badbaaday qaraxa, balse ay ku dhinteen Qaar ka mida ilaalada u aheyd.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen laba askari, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Alshabaab ayaa sii xoojisay weerarrada miinada ee loo dhigo saraakiisha iyo madaxda dowladda, waxaana Magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo is-daba joog ah muddooyinkii ugu danbeeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON