Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun Dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo ahaa Gacan-ku-dhiigleyaal hore u geystay dilal bareer ah.
Askarta la toogtay ayaa kala ah: Qaasim Ducaalle Cabdi oo hore u dilay Ganacsatade danyar ahaa Abukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo) iyo Xasan Juulle Shaakir oo isna Dilay Cali Taliye Cariif.
Labadan xukun suge ayaa lagu oofiyay xadkii qisaasta ahaa ee dilalkii ay geysteen., iyadoo 10-kii Janaayo ee Sanadkan 2023 degmooyinka Xamarweyne ee Gobolka Banaadir iyo Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe ku kala dilay Laba muwaadin.
Goobta lagu toogtay labadan marxuum ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda ciidamada qalabka.
