Wednesday, June 25, 2025

Askar iyo Saraakiil toddobaadkan lagu dilay Magaalada Muqdisho iyo Alshabaab oo sheegatay

Toddobaadkan waxaa magaalada Muqdisho iyo duleedkiisa lagu dilay askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo aanay wax War ah kasoo saarin Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka.

Falkii ugu danbeeyay ee khaarijin ah waxaa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho lagu dilay askari magaciida lagu sheegay Bille Salaad oo ka mid ahaa ciidamada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana dilkiisa sheegtay Alshabaab, iyadoo war ay soo saartay ku caddeysay inuu ka mid ahaa ilaalada gaarka ee Guddoomiye Cumar Finish.

Sidoo kale isla toddobaadkan waxay xaafadda xoosh ee degmada Dharkeenleeylagu dilay Sarkaal ay Alshabaab sheegatay inuuka tirsanaa Nabadsugidda, kaas magacaabiisa lagu sheegay Nuur Cumar Shanlow.

Dhinaca kale waxaa xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa lagu dilay sarkaal kale oo magaciisa lagu sheegay Sharma’arke, kaasoo ay Alshabaab sheegatay inuu ka tirsanaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda NISA, isla markaana uu ka howlgeli jiray xerada Xalane.

Askari kale ayaa la sheegay in lagu dilay xaafada Saybiyaano ee degmada Hodan, iyadoo ay baxsadeen dableydii dilkiisa ka danbeysay. Ma jirto faahfaahin laga bixiyey dilka askarigan.

Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Alshabaab ee dadka la khaarijiyey inay ka tirsanaayeen Hay’adda NISA, iyadoo aanu jirin xaqiijin ama beenin ka soo baxday Hay’adaha Amniga, laakiin Baraha Bulshada ayaa waxaa hareeyay tacsi loo diray dadkan ka baxay ehelkooda oo lagu soo koobay inay dishay ‘GACAN KA XAQDARRAN’.

Waxaa si weyn u sii kordhay falalka dilka iyo khaarijinta ah ee Alshabaab ka geysaneyso caasimadda Muqdisho xilliga kala guurka ah ee Doorashada, inkastoo ay yaraadeen qaraxyadii.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON