Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dil ka geystay xaafadda Saybiyaano ee Degmada Hodan, Gobolka Banaadir.
Askariga oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska ayaa la sheegay inuu toogtay darawal Gaari BL ah ee loo yaqaan Homey, kadib markii uu muran dhex maray, waxaana dhacday inuu askarihii xabbad madaxa uGA dhufto darawalka oo goobta ku geeriyooday.
Dadka goobta ka dhowaa ayaa sheegay in askariga dilka geystay uu baxsaday markii uu falkaasi ku kacay, iyadoo dadkii Gaariga la socday iyo kuwii ka ag dhowaan ay kala firxadeen.
Wadadda Seybiyaano ayaa ah goob ay Booliska xireen oo loo ogoleyn gaadiidka dadweynaha inay dhaafaan, waxayna ka mid tahay goobaha kala wareegga ee ciidamada amniga ay xireen
Ciidamada Booliska oo lagu kordhiyay dhalinyaro iyo maleeshiyo hore ayaa muddooyinkii danbe qeyb ka ahaa dilka loo geysto dadka shacabka ah, waxayna mararka qaarkood dilaan in ka badan dadka ay Alshabab ku khaarijiyaan caasimadda.