Thursday, April 25, 2024

Madaxweynaha Somalia oo magaalada Addis kula kulmay Ra’iisal wasaraha Itoobiya, kuna laabtay Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha oo ka qayb galay shirkii degdegga ahaa ee Jaamacadda Carabta iyo kii caadiga ahaa ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa uga mahadceliyay Boqorka iyo Dhaxal-sugaha sidii diirranayd ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyay Boqorka ortooyada Sucuudi Carabiya.

Dhinaca Madaxweynaha oo saaka ka soo dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jeddah ayaa safar saacado qaatay ku tegay magaalada Addis Ababa halkaas oo Garoonka Diyaaradaha ee Bole uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Ad

Wadahadallada ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa xoogga lagu saaray sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha iyaga oo sidoo kale isla soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin socdaalka gaaban ee Madaxweyne Farmaajo ku gaaray Addis ababa iyo kulanka dhex maray labada dhinac, waxaana xafiisyada Madaxtooyadai yo kan Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ay ku gaabsadeen in looga hadlay xaaladda gobolka .

Image may contain: 8 people, people smiling, people standing and suit
Image may contain: 5 people, people smiling, people sitting and indoor
Image may contain: 4 people, people standing and suit
Image may contain: 5 people, people standing, people walking, suit and outdoor
Image may contain: 6 people, people standing, suit and outdoor
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON