Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa faahfaahin kasoo saaray fal ay ciidamadeeda jooga Muqdisho ku dilaan Nin dhalinyaro ahaa oo ku sugnaa isgoyska Ceel-gaab ee laga ilaaliyo Madaxtooada.
Qoraal ATMIS ayaa lagu sheegay in ciidamada ATMIS ninka ay toogteen uu ciidamada kusoo tuuray wax aan la garaneyn, kadibna iska dayey inuu qabsado mid ka mida Gaadiidkooda ciidamada, sidaasina uga shakiyeen ciidamadu, taasoo keenay inay rasaas u furaan
“Qof aan la aqoonsan ayaa gaadiidka ATMIS ku tuuray wax aan la garaneyn, kaddibna wuxuu isku dayey inuu soo fuulo Gaariga. Natiijada baaristeenna ee hordhaca ah wixii ka soo baxa waxaan la wadaagi doonnaa Dowladda Federaalka Somalia.” ayaa lagu yiri Qoraalka ATMIS.
ATMIS waxay kaloo sheegtay in ciidamadeeda in xaq loogu leeyahay inay dhowraan xuquuqda nololeed ee muwaadinka Soomaaliga ah. Falka dilka ah ee ATMIS ayaa dhaliyay banaanbaxyo ka dhacay goobta uu dilku ka dhacay.

