Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya Sulub Axmed Firin ayaa maanta xilka la wareegay, iyadoo xaflad lagu maamuusay uu ka qeyb galay Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka.
Taliyihii hore Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa xilka ku wareejiyay Taliyaha cusub, xaflad ka dhacday Dugsiga Sare ee Booliska ee Janeraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Taliyihii hore Xijaar ayaa tilmaan ka bixiyay Taliyaha cusub ee xilka la wareegay, isagoo sheegay inuu yahay sarkaal laga keenay Booliska oo aanu la mid ahayn isaga oo ka yimid ciidamada Milateriga, markii uu soo magacaabay Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa taliyaha cusub ee Booliiska ku booriyey hoggaanka cusub in looga fadhiyo xaqiijinta amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka, iyagoo qeyb ka ah barnaamijka xasillinta ee deegaannada laga xoreeyey Alshabaab.
Munaasabadda ay xilka kula kala wareegayeen Taliyaha cusub ee Ciidanka Soomaaliyeed iyo Taliyihii hore ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaanno, saraakiil iyo marti sharaf kale.
