Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa si weyn ugu eedeeyay dowladda Federaalka inay dab ku shideyso maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana ku mashquulsan tahay burburinta dowlad Goboleedyada.
Isagoo ka hadlayey shirka Wasiirada Amniga afar maamul goboleed oo ka furmay magaalada Kismaayo ayuu sheegay in howsha amniga ay lahayd Dowlada Federaalka, balse meel iska dhigtay, taas bedelkeedna ay ku mashquushay burburka dalka iyo carqaladaynta.
Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Dowlad Goboleedyada sida ay ugu kala muhiimsan yihiin ay dhinaca amniga howlgalada u qeybsan doonaan, taasina ay ku qasabtay markii ay wax gacan ah ka waayeen dowladda Federaalka.
Wuxuu ku eedeeyay Dowlada Federaalka inay mashquul ku tahay burburinta maamulladii la soo dhisayey mudada dheer iyo xasilooni daro dalka oo dhan ku baahda, taasoo laga arko sida ay dabka uga shidayaan Koonfur Galbeed oo waxa ka socda aan la aqbali karin, sida uu yiri.
“Koonfur Galbeed waxaa ay u diyaar garoobeen doorasho bishan dhexdeeda dhacaysa ma garan karo sabab loogu duulayo oo Xildhibaanadii Xamar loogu xanibayo wakhti ay ahayd in ay shaqadooda qabsadaan” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Wuxuu ku eedeeyay madaxda dowlada Federaalka inaysa ka war ka heynin wixii lasoo maray iyo halka uu wadanku ka yimid taasina ay daliil u tahay sida ay ugu fududaadeen xaaladaha khatarta ku ah dalka.