Thursday, June 26, 2025

Axmed Madoobe: “Ma iloobi doono Wiilasha Kenya ee dhiigooda u huray Jubaland, Cid waliba waa nooga sokeeyaan..”

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ee dowladda Federaalka aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in wiilasha Kenya ay dhiiggooda u hureen Jubbaland, isla markaana aysan cid kale ula mid ahayn.

“Kenya cid waliba waa nooga sokeysaa.. wiilashiinii Kenya ayaa dhiiggooda ku bixiyey oo taarkiihda ku galay Jubbaland, kusoo dhowaada Jubbaland… Ma illoobi doono Kenya abaalka ay nagu leedahay ciidan ahaan iyo dhiigga bixisay..” ayuu yiri Axmed Madoobe oo ka hadlayay soo dhoweynta Guddoomiyaha Aqbaliyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo maanta tegay magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa wafdiga dowladda Kenya uga mahadceliyay sida ay u garab taagan tahay maamulkiisa, iyadoo ciidamada Kenya ee jooga magaalada Kismaayo ay si toos ah u taageeraan hoggaamiyahaasi.

Dowladda Somalia ayaa sharci darro ka dhigtay dib u doorashada Axmed Madoobe, waxayna xayiraad ku soo rogtay in diyaaradaha ka yimaada magaalooyinka dalka Kenya ay ka degaan magaalada Kismaayo. taasoo uu maanta jebiyey guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON