Thursday, June 26, 2025

Axmed Madoobe oo amarro ku soo rogay Musharixiinta kula tartamaya xilka Madaxweynaha Jubbaland [Akhriso]

War kasoo baxay Maamulka Axmed Madoobe ee Jubbland ayaa lagu mamnuucay olole doorasho oo xilligan laga bilaabo maamulkaasi, inta laga dhisayo Guddiga Doorashada.

Golaha Amniga Jubbaland oo uu madax ka yahay Axmed Madoobe ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo kasoo saaray amarr lagu faray laamaha amniga ee maamulka Jubbaland sugidda Amaanka, iyadoo Musharaxiinta looga digay inay abuuraan waxkasta oo khalkhal amni horseedi kara.

Guddiga Amniga maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Musharax kasta Amnigiisa ay sugayaan ciidamada amaanka Jubbaland, iyadoo aan la ogolaan doonin in musharaxiintu ilaalo gaar ah sameystaan.

Arrintan ayaa soo baxday maalmo kadib markii uu magaalada Kismaayo ga dhawaaqay musharaxnimadiida Cabdinaasir Seeraar Maax oo hore u ahaa afhayeenkii maamulkasi. Seeraar ayaa waxaa hareero taagnaa ciidamo tiro badan oo aad u hubeysan, kuwaas oo qaarkood garoonka diyaaradaha uga hortagay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Image may contain: text

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON