Monday, July 14, 2025

Axmed Madoobe oo Ciidamo cusub ku wareejiyey Amniga Kismaayo [Sawirro]

Warrka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegay in madaxweynaha maamulka Jubbaland uu ciidamo cusub ku wareejiyay amniga magaalada Kismaayo.

Ciiidamdan oo ah kuwa la diyaariyey oo ka mida Booliska Jubbaland ayaa Maanta lagu wareejiyey Amniga Magalada Kismaayo oo dhowaan la filayo inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo muranka weyn ka taagan yahay.

Ciidamadan oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa saakay lagu arkayay wadooyinka Magalada Kismaayo ioo roondo ay ku sameeyeen, waxayna dadka qaarkii sheegeen in ciidamadan lagu daray kuwa gaarka ah ee Axmed Madoobe.

Ciidamadan ayaa amar lagu siiyey inay ka hortagaan ciddii amni darro ka wada magaalada, isla markaana gacan bir ah ku qabtaan sugidda amniga magaalada Kismaayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON