Tuesday, June 24, 2025

Axmed Madoobe oo Dacwad ka dhan ah Taliska Xooga Dalka u gudbiyey Madaxweyne Farmaajo [Akhriso 7 Qodob]

Madaxweynaha maammulka Jubbaland qoraal warqad dacwad iyo cabasho ah u diray Madaxweynaha dee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalka oo lagu qoray af-ingiriis ayaa kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayuu ku soo gudbiyey sida uu uga horjeedo go’aano kasoo baxay Taliska Ciidamada Xoogga dalka oo dhibaato iyo qas ka abuuray howgalkii ciidamada ee degaanada Jubbooyinka.

HOOS KA AKHRISO QODOBADDA AXMED MADOOBE KA CABANAYO:

1 In la baabi’yay qaabdhismeedkii xiriirka iyo Taliska ee ka dhaxeeyay guutada 43-aad iyo hogaanka Ciidamada xoogga dalka ee SNA,

2 Magacaabista Taliye cusub degmada Ceel-Waaq, halkaasi oo aan horey u lahayn saldhig Military, iyadoo aan ka warheyn islamarkaana lagala tashan taliska guutada 43-aad ee ka howlgala Jubbaland,

3 – In hub iyo saanad Ciidan ay Xildhibaanno katirsan labada golle ee Baarlamaanka Federaalka [Gollaha shacabka iyo Aqalka Sare] ay geeyeen degmada Ceel-Waaq, kaasi oo ku dhacay gacanta Al-Shabaab,

4 – In Taliska SNA oo jahwareer ka abuuray deegaanka Sanguuni, halkaasi oo ciidamada difaaca hore uga jiray la siiyay amaro is-khilaafsan oo sababay inay guul-dareysteen, islamarkaana Al-Shabaab la wareegto saldhgooda, oo ka qaadatey hub iyo agabkii ay ku howlgalayeen,

5 In Taliska SNA uu ka abuuray deegaanada Jubbaland xaalad kalsooni darro, oo keeni karta colaad u dhaxeysa beelaha wada deggan, taasoo dib usoo nooleyn karta dagaalkii Sokeeye,

6 Tallaabooyinka Taliska SNA ayaa hakad gelisay, xadiday sidoo kalena siyaasadeysay saanadii Ciidamada ku sugan Jubbaland xilli ay 33 goobood ay kala dagaalamayaan cadowga Al-Shabaab,

7 Gollaha amaanka Jubbaland ayaa walaac ka muujiyay soo-jeedinta gudiga amniga iyo nabada Ururka Midowga Africa ee ah in la baabi’iyo qeybta 6aad ee howlgalka AMISOM, oo baahi ka badan markiii la abuuray hadda loo qabo.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa uga mahadceliyay dalalka Ciidamada ugu deeqay Howlgalka AMISOM taageeradooda ay la garab taagan yihiin Soomaaliya iyo kaalintooda la dagaalanka Al-Shabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON