Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dib u celiyey ciidamo ka tirsan kuwa maamulkiisa iyo milateriga dowladda Soomaaliya isagoo maanta booqday degaanada gosha ee Baar Sanguuni oo dagaallo ka socdeen maalmihii ugu danbeeyay.
Wararka aya sheegay in Axmed Madoobe uu halkaasi ku celiyay ciidamadii xalay ka baxay ee duleedka Kismaayo tegay kadib weerarro halkaasi ku qabsaday oo askari Mareykan ah lagu dilay, waxaana uu kulamo la yeeshay saraakiisha ciidamada isagoo ku booriyey inaysan marna dib uga bixin degaanada ay ka qabsadeen Alshabaab.
Madaxweyne Axmed Madooba ayaa u balanqaaday ciidamada Jubba iyo kuwa milateriga Soomaaliya in loo dhamaystirayo taakuleynta ay u baahan yihiin, lana siin doono mushaarkooda.