Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa faahfaahin ka bixiyey shirkii Dhuusamareeb 4 iyo sidii uu ku fashilmay.
Wuxuu sheegay in markii uu shirka furmay uu Madaxweyne Farmaajo shirka ka sheego inay kulankan dalbadeen Puntland iyo Jubbaland oo iyaga laga sugayo waxa ay doonayeen inay sheegaan, sida inaysan isagu waxba ka maqneyn, waxbana kala socon xaaladda dalka oo aany ahayn nin ay mas’uuliyad saaran tahay.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in saddexdii caqbadood ee Doorashada hor taallay ay shirka hor dhigeen, isla markaana u sheegeen in xal loo helo, lana gaaro heshiis siyaasadeed oo looga gudbo marxaladda adag.
Arrinta Somaliland ayuu sheegay in loo xilsaaray Guddi ay ka mid yihiin: Isaga iyo Cumar Filish oo uu wehliyo Ra’iisal wasaaraha, ayna la xiriireen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo ay ka dalbadeen inay xal dhexdooda ka gaaraan arrinta kuna soo celiyaan guddiga.
Axmed Madoobe wuxuu isku difaacay in Arrinta Gedo ay ka socon weyday Madaxweyne Farmaajo oo diiday wax aan ka ahayn inuu isagu maamulo degmo ka mida Gobolka Gedo oo kuraas Baarlamaan ay taallo.
Arrinta Gedo ayuu sheegay in loo saaray Guddi ka kooban madaxda Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo K/Galbeed – ay soo jeediyeen in maamulka Gedo iyo Garbahaarey lagu wareejiyo maamulka Jubbaland, ayna tagaan maamul iyo ciidamada Booliska Jubbaland, Guddi ka kooban maamul Goboleedyada ay tagaan, sidaasina ay ku dhacdo Doorashada.
Waxay Guddiga soo jeediyeen in Arrinta Gobolka Gedo dib u heshiisiin laga bilaabo oo degmada Garbahaarey kaliya uu maamul u magacawdo, lana geeyo ciidamada Booliska AMISOM, sidaasina ay Doorashadu ku dhacdo. Arrintaas auuu sheegay Axmed Madoobe inuu arrintaasi dib ugula noqday Wasiirada iyo xubnaha la socday, ayna ogolaadeen in guddoomiyaha Gobolka la iska dhaafo oo la qaato guddoomiyaha Garbahaarey.
Shirarkii socday ayuu Madaxweyne Farmaajo ku adkeystay in kaalinta Jubbaland ay noqoto kaliya inay Garbahaarey u dirto Guddi doorasho oo kaliya; ayna suurgal noqon karin in Guddi Doorasho oo keligood ah aanay u diri karin Gobolka Gedo.
Dood kadib waxaa la go’aamiyey in guddoomiyihii degmada Garbahaarey uu ka tanaasulo, laakiin marka hore loo hore Guddi maamul goboleedyada ka kooban loo diro Garbahaarey ay soo jeediyaan qofka loo magacaabayo Guddoomiyaha degmada, kadiba uu magacaabo, laakiin Axmed Madoobe wuxuu sheegay in arrintaasina uu diiday Madaxweyne Farmaajo oo si cad u sheegay in Jubbaland haddii ay magacawdo ay dhibaato dhaceyso oo aanu ogolaan karin.
“Waxaa isku dayay inaan wax kasta oo tanaasul ah sameynyo, waxaan soo jeedinay in Doorashada Garbahaaarey dib loo dhigo inta heshiis laga gaarayo Gobolka, lana bilaabo hannaanka doorashada.. Arrintaas madaxweynaha ayaa diiday..” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Madaxwenaha wuxuu kusoo koobay sheegasho hal gobol iyo hal degmo oo soomaalya ka mida oo kuraas ay taallo inuu yiraahdo aniga uun baa ka talinaya.., madaxweynaha Waqtigiisu dhammaaday haddii uu hal degmo sheegtay inuu maamulo doorashadeeda, sidee Soomaaliya mas’uul uga noqonayaa..” ayuu yiri Axmed Madoobe shaki geliyey in Farmaajo uu dalkan maamulkiisa hayey.
“Maanta waxay taagan tahay in madaxweynaha uu ballansaday Baarlamaan waqtigiisu dhammaaday … isaguna Berri waqtigiisu dhammaanayo… Baarlamaanka waxaan leeyahay wadankaan dhibaato ha gelinina,.. Su’aal baa imaaneysa madaxweyne aan arkay 4 sano dalkaan ma maamuleyne.. Yaa maamulayey..? xageese wadankan ku socdaa… afar sano kadib sharciyadda Baarlamaan lagula hadlayo maxay noqoneysaa..??” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Axmed madoobe wuxuu beeiyey warkii uu xalay sheegay Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cismaanan Dubbe, isagoo sheegay in hadallladiisu aanay ax ah ma ahayn, isla markaana uu si faahfaahsan uga hadli doono marka uu ku laabto magaalada Kismaayo.
