Madaxweynaha Jubaland ee aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)Â saddex sano kadib maanta gaaray magaalad Garoowe, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni.
Labada mas’uul oo khilaaf ku kala tegay siyaasadda, kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo magacaabistii Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayay mar kale isu keentay siyaasadda, markii ay isku dhaceen Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Puntland ayaa taageertay Axmed Madoobe, lana safatay, kadib khilaafkii dagaalka gaaray ee dhex maray dowladda federaalka, waxayna ku isu diyaarinayaan inay u midoobaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan.
Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo saaxiibo dhow la ah Imaaraadka Carabta ayaa hore ugu kulmay magaalooyinka Abu Dhabi iyo Nairobi, kulankooda ugu muhiiman ayaa ka dhacay Garowe, halkaas oo la filayo inay heshiis buuxa ku gaaraan, kana soo saaraan go’aanno lid ku ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.
Kulanka ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu dib u dhigay kulankii Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad Goboleedyada oo in muddo ah aysan ka qeybgelin.