Sunday, June 22, 2025

Axmed Madoobe oo Gudoomiyihii hore Gobolka Nugaal (Puntland) u magacabay Duqa Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa magacaabay Guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna Duqa magaaladaasi.

Wareegto kasoo baxday Axmed madoobe ayaa Cumar C/llaahi Faraweyne loogu magacaabay inuu nqodo Duqa magaalada Kismaayo, wuxuuna hore u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland.

Cumar Faraweyne ayaa waxaa adeer u ah Madaxweynihii hore Puntland Senator Cabdiraxman Faroole, wuxuuna hadd ahaa Taliyaha ciidamada Keydka ee Maamulka Puntland.

Ad

Magcaabiddan ayaa noqotay mid si weyn loo hadal hayo iyadoo ninkan aanu ka mid ahayn shacabka magaalada Kismaayo, balse uu si weyn caan uga ahaa Gobolka Nugaal ee Puntland, lama oga ujeedka uu Axmed madoobe ka leeyahay arrintan.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

UJEEDDO: MAGACAABIS GUDOOMIYAHA DEGMADA AHNA DUQA MAGAALADA KISMAAYO

- Advertisement -

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Gobaleedka Jubaland, Cutubkiisa 4aad Qodobka 72. Farqada(5aad) e ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland;

Markuu Garwaaqsaday: in ay lagama maarmaan tahay in isbadal lagu sameeyo Maamulka Degmada Kismaayo.

Wuxuu Madaxweynaha Dowlada Jubaland u magacaabay Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada.

Wuxuu Madaxweynuhu Alle uga baryayaa in uu mudanaha u dhib yareeyo musuuliyadan culus ee loo igmaday. Wareegtadani waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu Sixiixo.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON