Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa taageeray wadahadallada u dhaxeeyay Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta iyo Midowga Musharixiinta.
Qoraal uu Axmed Madoobe soo diray ayuu ku yiri: “Dowladd Jubaland waxay dhiiri gelinaysaa, qabtaana in la tabantaabiyo waqtina la siiyo wada hadalada u dhexeeya RW Rooble iyo Midowga musharixiinta. Waxay sidoo kale diyaar u tahay ka qayb galka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay, gundhigiisuna yahay heshiiskii Sep17..”
Shardiga kaliya ee Axmed Madoobe ku xiray ka qeybgalka shirka ay ku baaqeen Beesha Caalamka ayaa ah in lagu qabto goob ammaan ah, iyadoo laga doodayo dhaqan gelinta heshiiska Doorashada ee 17 Septembar.
Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay markii saddexaad isugu yeeray madaxda dowlad Goboleedyada inay Khamiista 4-ta bishan ka qeyb galaan xaflad lagu saxiixayo heshiiska ay gaareen Guddiyada Farsamada.