Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa xilli danbe booqday Isbitaalka Magaalada Kismaayo oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarkii Alshabaab ku qaaday Galabta Hotelka Madiina (ex. Cascasey) ee Magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe Madaxweynaha ayaa tegay qeybta gargaarka degdega ah ee isbitaalka Kismaayo oo dad badan oo dhaawac ah la geeyay, iyadoo dhaqaatiirta ay ku mashquulsanayeen badbaadinta dadkaasi, waxaana Axmed Madoobe uu tacsi u diray dhamaan ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Qaraxa, isaagoo sheegay in Caafimaad dibada ah loo qaadayo dadka aan xaaladooda dalka gudahiisa waxba lagaga qaban karin.
Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ka go’antahay sidii shacabka Soomaaliyeed loo tirtiri lahaa taasna ay u marayaan wado walba. Ciidamada amniga ayuu Madaxweynahu bogadiyey sida ay uga jawaabeen weerarka waxaana uu xusay in ay soo badbaadiyeen dad farabadan kuwaas oo hotelka daganaa.





