Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo kulan kula yeesahy Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo maanta tegay Magaalada Kismaayo.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda maamulka Jubbaland ee waqtigiisu dhammaanayo, doorasada maamulka Jubbaland iyo khilaafka u dhaxeeya Dowlada Federaalka ah iyo maamul goboleedyada, iyadoo Mareykanku mowqifkiisa u caddeeyay, kaasoo ah in doorasho xor ah ay ka dhacdo Jubbaland.

