Thursday, June 26, 2025

Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay Cadaado tegaya & sirta ku qarsoon socdaalkiisa

Madaxweynaha  Maamulka  Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii ugu horeeyay socdaal ku tegi doono magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Galmudug, isagoo halkaasi kula kulmi doona madaxda Galmudug.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegay in socdaalka Axmed Madoobe laga leeyahay laba ujeedo oo kala ah: inuu oofiyo balan uu hore u qaaday inuu tegayo Cadaado iyo inuu Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed  ku casuumo shirka Madasha Qaran ee Kismaayo ka dhici doono 10-ka Bishan Janaayo.

Axmed Madoobe ayaa u sii gudbaya Magaalada Boosaso oo uu ka mid yahay madaxda lagu casuumay inay ka qeyb galaan furitaanka  Garoonka Diyaaradaha Boosaso oo halkaasi ka dhici doona laguna soo beegay xuska maalintii uu xilka qabtay C/weli Gaas.

Arrinta ugu weyn ee Axmed Madoobe kala hadli doono C/kariin Guuleed ayaa ah inuu Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan ka dhaadhiciyo ka qeybgalka shirka Madasha Qaran oo Shariifka diidan yahay kadib taageeradii maamulka Jubba  iyo Puntland la garab istaageen  maamulka looga dhawaaqay Ceelbarde ee la baxay Bakool sare.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON