Wafdiga Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta lagu martiqaaday degaanka loo dalxiis tago ee Goobweyn, halkaasoo uu Qado sharaf ugu sameeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Ra’iisal wasaaraha oo markii labaad socdaal ku jooga magaalada Kismaayo ayaa hore u booqday degaanka Goobweyn, waxaana socdaalkiisa hadda ku wehliya wasiirada Amniga, Qorsheynta Kalluumeysiga iyo xubno kale.
Wadahadallo xal loogu raadinayo khilaafka mudadda dheer u dhaxeeyay madaxda dowladda Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ayaa ka socda magaalada Kismaayo iyadoo lagu dhammeystirayo heshiis si hoose labada dhinac ugu gaareen magaalada Nairobi.




