Sunday, June 22, 2025

Axmed Madoobe oo War kasoo saaray Qarixii magaalada Kismaayo iyo tirada dadka ku dhintay

Madaxweynaha Jubbland Axmed Maxamed Islaam ayaa war kasoo saaray qaraxii ka dhacay magaalada Kismaayo ee lala beehsaday kooxdii ciyaartoyda JCCI.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay tirada dadka ku dhintay qaraxa, wuxuuna yiri: “Waxaan uga tacsiyaynayaa dhamaan bahda Ciyaaraha Jubaland qaraxii maanta Argagixisadu la beegsatay baska kooxda kubada Cagta JCCI, halkaas oo ay ku geeriyoodeen Sadex kamid ah ciyaartooyda kooxda qaar kalana ay ku dhaawacmeen”.

Wuxuu ku eedeeyay inay ka dabeysay Qaraxam, ayna begsaneyso cid kasta. “Al-Shabaab waxaa ka go’an inay beegsadaan qof walba iyagoo si badheedh ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida Dhalinyarada,Aqoonyahanka iyo indhaha bulshada taas oo cadaynaysa inay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed”.

Ad

Wuxuu ugu baaqay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in loo midoobo sidii kooxdan looga adkaan lahaa, isla markaana loo badbaadin lahaa inta hartay Bulshadeena.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON