Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa si kulul uga hadlay hab dhaqanka dowladda Soomaaliya iyo qaabka ay dalka ku hoggaamiso, isagoo sheegay inuu dalku ku sugan xaalad amni oo ka xun saadkii 2016-ka.
Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ee magaalada Kismaayo ka furmay ayuu sheegay in xaaladda Amniga aan waxba laga qaban, Dastuurkiina qolo gaara isku koobtay dhameystirkiisa, haddana la leeyahay waa gababago.
Wuxuu kaloo ka hadlay Nidaamkii Garsoorka oo uu sheegay in dowladda federaalka ay qaab xun u maareysay, hab dhaqanka garsoor ee maanta jirana uu keenay dhibaato, iyadoo aanay jirin wadashaqeyn fiican oo ka dhaxeeya dowladii Federaaalka iyo madaxda Dowlad goboleedyada oo metelaya shacabka intiisa badan, sida uu yiri.
“2016 amniga meeshii uu marayey meel ka xun ayuu marayaa maanta, waxna lagama qabin wixii lagu heshiiyay, Madaxda dowladda Federaalka waxaad moodaa inay ku dhaqmayaan waxna ku maamulayaan rabitaankooda, iyagoon qiimeynin xaaladda dalka..” ayuu khudbadiisa ku sheegay Axmed Madoobe.
Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in Soomaaliya waa ka duwan tahay wax ah qof iyo laba sadex xukumi karaan, isla markaana aanay suuragal ahayn in rabitaan gaara lagu maamulo dal uu sheegay inuu damqanaya oo wada boog ah.
Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in dowladda federaalka ay bedeshay madaxdii Baarlamaanka Federaalka, tasaoo keentay in shaqadii Baaarlamaanka meesha ka baxday, sidoo kalena ay si khaldan u dhaqmayaan Xeer ilaalinti iyo cadaaladii, Amnigii iyo ciidamadiina faraha ka baxeen, wuxuuna yiri: “Riyo laguma maamuli karo, Qofk iska dhoofi doona maaha inuu dagaal iyo burbur nooga tago..”.
Wuxuu mar kale weerarka ku qaaday madaxda dowladda Federaalka isagoo sheegay inay dooanayaan inay wada bedelaan madaxda maamul Goboleedyada oo ay keensadaan kuwo ay iyagu wataan, wuxuuna isweydiiyey: “Dowlad dhan oo wada nacamleyaal ah xagee laga helayaa..?”.