Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku saabsan xiriirka Soomaaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Dowladda Maanta joogta waxaa laga sugayaa marka waqtigeedu dhammaado waxaa laga sugayaa inay qabato wixii loo xilsaaray horumarinta federaalka, taasoo uu sheegay inuu ula jeedo dalku inuu federaal yahay dalkuna u qeybsan yahay maamulada iyo dowladda Federaalka oo looga fadhiyo inay isku xiro dalka.
“Maanta waxaad aad uga xumahay in culeyska ugu badani ku dhacayo dowlad Goboleedyada, dakhliguna aad u yar yahay na soo gala, dalkana ay dowlad dhexe ka jirto oo wixii soo gala aysan iyaga soo dhaafin..” ayuu yiri Axmed Madoobe oo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay curyaamisay dowlad goboleedyadii dhaqaale ahaan.
Isagoo sheegay inuu dowladda dhaliilayo balse uu toosinayo ayna doonayaan in dowladda Farmaajo hoggaamiyo ay noqoto mid ka tagta taariikh: “Ma aha inay ka tagto Social Media iyo Proboganda, Facebook, waxaa lasameeya waana wax aad looga xumaado inay shaqadii dowladda dhexe ay intaas noqoto.. Dowladda dhexe wax naga soo gaaray mudaddii ay jirtay ma garanayo wax naga soo gaaray…” ayuu si kulul u yiri Axmed Madoobe.
Wuxuu kaloo cambaareeyay hab dhaqanka dowladda oo noqday in mar waliba la abuuro xiisad oo maalin waliba ay mid rido, mid kale ay keento, wuxuuna uga digay inay mar waliba dowladu abuurto xiisad “Crisis”.
Wuxuu canbaareeyay in dowladda Soomaaliya aysan maamulkiisa la soo xiriirin maamulkooda markii Guddi ka socda ay tageen Baardheere, kuna haboobeyd inay Guriga albaabka kasoo galaan.
Wuxuu ka hadlay Axmed Madoobe arrinta Khaliijka ayuu ka hadlay, isagoo sheegay inuu inuu kula taliyey Madaxweyne Farmaajo inuu dhexdhexaad ka noqdo xiisadii Khaliijka, wuxuuna isweydiiyay sida ay xaaladu ku socoto isagoo ku eedeeyay dowlada inay Jufo la noqotay Qatar, dalalkii kalena wax kale lagu tilmaamay.
“Hadday noqoto in miisaanka la saaro Qatar, Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxa kaliya ee na taageera waa Imaaraadka iyo Sacuudiga… ciidamada waxaa naga taageera Imaaraadka, Arrinta Khaliijka waxa ay dowladdu ku dhaqmeyso sax maaha.., waxaan leenahay dib ha ugu noqoto mowqifkeedii..” ayuu yiri Axmed Madoobe.
DAAWO KHUDBAD KULUL