Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar is-miidamin ah saaka lagu qaaday guriga Martida ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Weerarka ayaa lagu beegsaday Guriga oo ay deganaayeen mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo iyo Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka oo ay wehliyeen siyaasiyiin kasoo heeda Gedo.
Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Baardheere ayaa sheegaya inuu weerarka Is-miidaaminta ay ku dhaawacmeen Gudoomiyihii Gobalka Gedo Axmed Buule Gareed iyo Abaandulaha qeybta 43aad Axmed Cabdulaahi Xirsi.
Waxaa jir qasaare kale, waxaana goobta qaraxa ka dhacay tegay ciidamo badan oo xiray aagga iyadoo uu socdo gurmadka dadka ku waxyeloobay qaraxa.
Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa Baardheere, wuxuuna ka mid yahay weerarro Alshabaab muddooyinkan dambe ku beegsaneysay mas’uuliyiinta Gobolka Gedo.