Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dib u celiyay hindise sharciyeedkii La-dagaalanka musuqmaasuqa oo golaha wasiirada ay u gudbiyeen Baarlamaanka.
Kulankii Baarlamaanka ee maanta ayaa looga hadlay xeerka la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo dhismaha guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa, waxaana wasiirka Cadaaladda Xuseen Xasan Xaaji uu hotegay Baarlamaanka isagoo faahfaahin ka bixiyay xeerka horyaalla Baarlamaanka.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa Baarlamaanka ka sheegay in Xeerkan ay ka maqan yihiin qodobada faahfaahinta ee laga doonayo hindise sharciyeedyada sida uu qorayo qodobka 43-aad ee xeer hoosaadka.
Qodobadda ka maqan hindise sharciyeedka la-dagaalanka argagixisada ayaa lagu sheegay inay ka mid yihiin afar lifaaq oo ku saabsan faahfaahin sharciyada kale ee quseeya xeerka cusub, ujeedooyinka sharciga, sida uu u wafaaqsan yahay Dastuurka iyo saameynta dhaqaale ee uu yeelan karo.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Muudey ka dalbaday wasiirka cadaaladda inuu la yimaado qodobadda laga dalbaday kadibna uu dib ugu soo celiyo Baarlamaanka, wuxuuna intaas ku daray inuu fahmo qaabka loo soo gudbiyo xeerarka.
Wasiirada Xukuumadda Kheyre ayaa u muuqda inaysan weli khibrad u lahay arrimah xiriirka Baarlamaanka, wuxuuna sharcigan noqonayaa kii ugu horeeyay ee dib loogu celiyo arrimo farsamo oo qoraalo ka dhimanaa.
Goobjooge