Baarlamaanka Puntland ayaa shaaciyey inay ansixiyeen wax-ka-beddelka Dastuurka maamulkaasi xilli uu dagaal ku socdo oo ciidamo ka horjeeda tallaabada ay qaadeen iyo kuwa taabcsan madaxweyne Deni ay ku dagaalamayaan xarunta Baarlamaanka horteeda.
Ajanadaha kulankii dagaalka dhaliyay ee maanta ayaa ahaa Soo jeedinta wax- ka-bedelka Dastuurka Puntland oo ujeedkiisu yahay in la kordhiyo tirada xisbiyada siyaasadda iyo qodobo kale oo wax laga bedelayo.
34 Xildhibaan ayaa la sheegay inay ogolaatay wax ka bedelka Dastuurka Puntland, halka Xildhibaan kaliya uu diiday, isla markaana aysan jriin cid ka aamustay, sidaas ayaana lagu ansaxiyey soo jeedinta in wax laga beddelo Dastuurka, iyadoo fadhiga ay soo xaadireen 35 Xildhibaan; Waxaa sidaas lagu sheegay Qoraal lagu faafiyey Boggaga Baarlamanka Puntland ee Baraha Bulshada.
Dhinaca kal waxaa magaalada Garowe weli ka socda Dagaalkii ka dhashay wax ka bedelka Dastuurka oo uu wado Madaxweynaha maamulkaasi, iyadoo mucaaradka ka horjeeda ee Hubka qaatay ay ku eedeeyeen inuu damacsan yahay muddo kororsi.
Hubka waaweyn ee Gaadiidka Dagaalka saaran iyo Boobayaasha culus ayaa laga maqlayaa magaalada Garoowe. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ka socda Garowe ay ku dhinteen dad badan 4 qof oo meydadkooda la geeyay sbitaalka Guud ee magaalada Garoowe iyo isbitaalka gaarka ah iyo dhaawacyo ka badan 10 qof oo kale.
Lama oga qasaaraha gaaray ciidamada dagaalamaya, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay ee la xaqiijiyay ay yihiin Shacab ay rasaastu haleeshay.
