Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Baarlamaanka Golaha Isbedeldoonka ee ay ku midoobeen mushararixiinta iyo Odayaasha ka horjeeda Axmed Madoobe ay doorteen Guddoon cusub.
Kulan ay Galabta yeesheen Baarlamaanka mucaaradka ee Jubbaland ayaa Guddoomiye loogu doortay Mudane Ibraahim Nuur Xasan, waxaana doorashada ka qeyb galay Baarlamaanka Isbedel doonka Jubbaland oo ka kooban 75 xildhibaan, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen siyaasiyiin iyo Odayaasha dhaqanka. Guddoomiye ku xigeenada ayaa dib laga dooran doonaa.
Baarlamaankan iyo guddoonka uu doortay ayaa noqonaya kii labaad ee maanta lagu doorto magaalada Kismaayo iyadoo guddoonkii Baarlamaankii hore ay dib u doorteen Baarlamaanka Jubbaland Garabka Axmed Madoobe oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo.
