Monday, June 23, 2025

Bannaabaxyo ka socda Magaalada Muqdisho iyo Xaaladihii ugu danbeeyay.. (Sawirro)

Banaanbax aan lasoo abaabulin oo rabashado wata ayaa kasocada Isgoyska Howlwadaag ee u dhow Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxa ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ee fadhigoodu yahay halkaasi ay saaka dil bareer ah u geysteen Dawaral mooto bajaaj, waxaana la xiray wadooyinka oo lagu jaray shaagag dab la qabadsiiyeey iyo alaabo kale, iyadoo ay xaaladu qasan tahay.

Banaanbaxayaasha ayaa isugu jira dadweynaha iyo darawallada Mootada, waxaana wararku sheegayaan in qof la socday darawalka mootada ay ku dhinteen rasaasta ay ku fureen darawallada mootada.

Waxaa kacsan xaaladda iyadoo uurada iyo qiiqa uu isku shareeray, waxayna warar kale sheegayaan in bannaanbaxyo kale ay ka socdaan wadadda Ex. Koontarool Afgooye. Banaanbaxyada ayaa ku fiday wadadda Maka Almukarama, waxaana la burburiyey goobo ganacsi.

Askarta booliska ayaa rasaas ku furay dadka bannaanbaxa dhigaya, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in rasaasta ay fureen askarta lagu dilay 5 qof oo kale, ayna ku dhaawacmeen tiro kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON