Sunday, June 22, 2025

Barta Twitter-ka Xukuumadda Somaliya ee Covid19 oo ka digay halista taageerayaasha Farmaajo (CBB)

Barta twitter-ka ee cudurka Covid19 oo ay maamusho Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay farriin digniin ah oo ku saabsan ololaha ay baraha Bulshada, gaar ahaan ay Twitterka ka wadaan taagerayasha Farmaajo ee loo yaqaan CBB.

“Mowjadda labaad ee Cayayaanka Baraha Bulshada (CBB) ayaa ka halis badan cudurka Corona. Fadlan ka fogow Twitter Space” ayaa lagu yiri fariinta, iyadoo looga jeedo Madal lagu doodo oo Twitter-ku leeyahay.

Arrintan ayaa dood weyn ka dhalisay baraha bulshada, waxaana si weyn uga xumaaday taagereeyaasha Maxamed C/llaahi Farmaajo oo qaarkood sheegeen inay la xiriireen Wasiiradda caafimaadka, ayna u sheegtay in bogga twitter-ka ee Covid-19-ka aysan Wasaaraddu maamulin. Waxay u sheegtay inuu gacantooda ka maqnaa ilaa waqtigii Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Kheyre.

Ad

Wasaaradda Caafimaadka ayaa iska fogeysan maamulka Boggan, iyadoo qoraal ay so osaartay ku sheegtay inaysan marna maamulin Bogga, wax shaqo ahna aysan ku lahayn.

Faafinta fariintan ayaa kusoo beegantay xilli barta Twitter-ka ay olole weyn ka wadaan taageerayasha Farmaajo oo isugu jira Soomaali Kenyan iyo dad kala degan Qurbaha oo ku mideysan taageerada Farmaajo iyo Aflageedeynta dhammaan dadka ka hor yimaada.

Bogga SOMALICOVID19 ayaa farriintaasi kadib dhaqdhaqaaqiisa la xanibay, inkastoo la booqan karo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON