Monday, June 23, 2025

Beel kalsoonida kala noqotay xildhibaankii ugu jiray Baarlamaanka Somalia [Dowladda oo olole cusub ku furtay…]

Qaar ka mida odayaal iyo dhalinyaro kasoo jeeda Beesha Xildhibaan Cali Maxamed Balcad kasoo horjeeda madaxda dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyey inay kalsoonidii kala noqdeen xildhibaanka, kadib markii uu mucaarad ku noqday dowladda.

Xubno ka mida Beesha Hilibi DaranDole oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay inuusan xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) metelin, ayna kalsoonida kala noqdeen, kadib markii ay ku eedeeyeen inuu noqday mucaarad ka horjeeda dowladda hadda jirta oo aanu la imaan waxqabad.

Xildhibaan Cali Balcad ayaa hore u ahaa agaasimihii Madaxtooyada Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh, wuxuuna hadda ka tirsan yahay xisbiga UPD, isagoo ka mida xildhibaannada ugu cadcad xibiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh iyo mucaaradka dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in arrintan ay qeyb ka tahay qorshe ay madaxda dowladda Federaalka olole cadaadis ah ku saarayaan xildhibaannada kasoo horjeeda. Warka beesha kasoo baxay waxaa akhriyey Xuseen Nuur Geesey oo hore uga tirsanaa warbaahinta dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON