Wakiilada Beesha Caalamka ayaa bilaabay socdaallo ay ku tegayaan xarumaha Maamul Goboleedyada, iyagoo maanta booqday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Wafdiga waxaa hoggaaminayey Wakiilka Q/Midoobay James Swan, waxaana ka mid ahaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, Ku xigeenka wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicole Miller, iyo madaxa ergada IGAD ee Soomaaliya Jamal Ahmed Ibrahim, waxana kulan la yeesheen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Qoraal kasoo baxay xafiiska UNSOM ayaa algu sheegay inay ugu baaqayaan dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay sii wadaan iskaashiga iyo u diyaar garowga Doorashada iyo in la xaqiijiyo Dooraho Qaran oo ku dhacda si furan, cadaalad ah oo loo dhan yahay.
Qodobka saddexaad ee ugu adag oo Beesha Caalamka ku cadaadineyso madaxda Soomaalida ayaa ah in la xaqiijiyo qoondada haweenka ee 30% ee Baarlamaanka labadiisa Aqal, iyadoo waliba ergooyinka lagu soo xulayo qaab bulshada oo dhan ka wada muuqato.
Wafdga wakiilada Beesha Calaaka ee ka kaal socda Q/Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa hore u booqday magaalada Baydhaba, waxayna la kulmeen Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo tegi doona maamul Goboleedyada kale.
