Monday, January 17, 2022

Beesha Caalamka oo 4 Qodob ka dalbatay Madaxda Soomaalida (Akhriso War-saxaafeed Cusub)

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay ku faraxsan yihiin go’aannada shirka Wadatashiga ee Doorashooyinka dalka.

“Beesha Caalamka waxay garwaaqsadeen in shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee socday 3-9 Janaayo lagu gaaray is-afgarad la isku raacay ee ku saabsan wax ka bedelka iyo dib u habaynta habraaca iyo dedejinta waqtiga doorashada Golaha Shacabka” ayey beesha caalamka ku bilaabeen war-saxaafadoodkooda.

“Waxaan ku faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay qaateen go’aamo ku saleysan wadatashiyo lala yeeshay bulshada rayidka, wakiillada haweenka iyo xubnaha mucaaradka”.

Ad

Waxay ugu baaqeen dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya:

1- In ay danta qaranka wax walba ka horraysiiyaan

2- Inay mudnaanta siiyaan soo gabagabaynta hannaan doorasho ee ay dadka Soomaaliyeed si weyn u aqbalaan

- Advertisement -

3- Inay ka fogaadaan daandaansi ka weecin kara hannaankaas oo kordhin kara khatar iska-hor-imaad ama rabshado.

4- Dhammaan madaxda waa inay xaqiijiyaan in ciidamada amniga aan loo adeegsan hab siyaasadeed.

“Waxaa la joogaa waqtigii ay dhammaan madaxda Soomaaliyeed diiradda saari lahaayeen in si degdeg ah loo dhaqangeliyo go’aannadii lagu heshiiyey si loo soo gabagabeeyo hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo marka la gaaro 25ka Febraayo” ayaa lagu soo gabagabeeyay Qoraalka Beesha Caalamka.

Xubnaha Beesha caalamka ee Warkan soo saaray waxay kala yihiin: AMISOM, Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,849FansLike
2,535FollowersFollow
5,935FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,849FansLike
2,535FollowersFollow
5,935FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!