Friday, June 27, 2025

Beesha Caalamka oo dadaal ugu jirta badbaadinta Shirka Dhuusamareeb 4 (Farmaajo & Axmed Madoobe oo toos..)

Warar cusub ayaa kusoo kordhay xaaladda is mari waagga ah ee ka taagan shirka Dhuusamareeb 4 oo qarka u saaran in lagu kala tago, iyadoo la sheegay inay soo farageliyeen wakiilada Beesha Caalamka oo dadaal ugu jirta badbaadinta shirka.

Xubnaha saameynta leh ee Beesha Caalamka sida safiirka Mareykanka Donald Yamamoto ayaa la sheegay inay xiriiro la sameeyeen madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, Axmed Madoobe, Madaxda Maamul Goboleedyada, iyo guddoonka Baarlamaanka si aan shiraasi loogu kala tegin, una fashilmin.

Wararka ayaa sheegaya in Beesha Caalamka ay cadaadis ku saartay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu ka baaqsado shirkii jaraa’id ee uu qaban lahaa, iyadoo sidoo kale culeys lagu saarayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo inuusan ka tegin Dhuusamareeb, lana joojiyo safarkiisii Muqdisho.

Wakiilada Beesha caalamka ayaa dadaal xog leh ugu jira badbaadinta shirka Dhuusamareeb 4 oo ay ku heshiin waayeen Madaxda Soomaalida.

Axmed Madoobe iyo Faarmaajo

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON