Friday, June 27, 2025

Beesha Caalamka oo Dalab toos ah u dirtay Madaxda ka qeyb galeysa Shirka Dhuusamareeb (AKhriso)

Saaxiibada Beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay ku-dhawaaqista 30-kii Janaayo uu Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Maxamed ku dhawaaqay in uu shir wadatashi ah la yeelan doono madaxda Dowlad Goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in shirkaas oo lagu qaban doono magaalada  Dhusamareeb inta u dhexeysa 1da ilaa 3da Febraayo ay bogaadinayaan hogaaminta Madaxweyne Farmaajo ee ku aaddan qabashada shirkaas, iyadoo madaxda Soomaalida ka dalbatay inay la yimaadaan daacadnimo, tanaasul loo smeeyo danta guud.

“Waxaan ugu baaqeynaa ka-qeybgalayaasha inay si firfircoon oo daacadnimo ku dheehantahay uga qaybqaataan madashaas, si xal loo helo iyadoo loo marayo isu tanaasul cadaalad ku dhisan oo loo sameeyo danta qaranka, laguna heshiiyo hirgelinta hanaankii 17kii Sebtembar ee dardargelinta qabashada doorashooyin ka dhaca Soomaaliya oo dhan.” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

War-saxaafadeedka wadajirka ah soo saaray: Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Ururka Jaamacadda Carabta, Holand, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

The international partners

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON