Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in horumar laga gaaray waanwana ay beesha caalamka ka dhex waday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ka maqan shirka Dhuusamareeb.
Beesha caalamka ayaa madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ku qancisay inay ka qeyb galaan shirka Dhuusamreeb 3, isla markaana ay damaanad qaad ka bixineyso fulinta heshiiska lagu gaaro shirka, halka Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda ku sugan Dhuusamareeb lagu qanciyey in shirka dib loo dhigo oo ilaa sabtida la gaarsiiyo.
Waxaa hadda rajo laga qabaa in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay tegi doonaan magaalada Dhuusamareeb Jimcaha iyo Sabtida, waxaana xiriir khadka telefoonka ah dhexmaray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo madaxweynayasha Puntland iyo Jubbaland.
Puntland iyo Jubbaland ayaa qeyb ahaan helay dalabkoodii ahaa inay beesha caalamka ku lug yeelato shirka si loo damaanad qaado fulinta heshiiska lagu gaaro, waxaana arrimaha kale ee ay ka cabanayaan dib loogu dhigay marka shirku furmo oo ay ka wada qeyb galaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaanay dan ugu jirin dib u dhaca shirka, wuxuuna si weyn ugu ololeynayay inuu magaalada Dhuusamareeb ka duulo Berri oo Khamiis ah, isagoo wata heshiis, kadiba ku dhawaaqo ra’iisal wasaaraha cusub.
Qorshaha Madaxweyne Framaajo ayaa jug weyn kasoo gaartay war-saxaafadeedkii maanta kasoo baxay Beesha Caalamka oo meesha looga saaray go’aan ay doorashada dalka ka qaataan qeyb ka mida madaxda dalka.