Tuesday, July 8, 2025

Beesha Caalamka oo ka Gows qabsatay Heshiiskii Doorashada. “Lama Caddeynin Qodobadda qaar ee lagu..”

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa War kasoo saaray heshiiskii Doorashada ee ay dhowaan gaareen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in Heshiiska Doorasho uu ahaa mid ka dhashay wadahadla dhex maray madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada, balse aan weli la caddeynin qaar ka mida geedi-socodka lagu heshiiyey, lagana tashana karo Saamiley dhereaad ah.

Beesha Calaamka waxay sheegeen inay ka xun yihiin heshiiska la shaaciyey uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee mudadda dheer la sugayey ee Doorasho toos ah, waxayna ku baaqeen in Doorashda 2020/2021 ay noqoto xor iyo xalaal.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

 Saaxiibada beesha caalamka* waxay garwaaqsanyihiin heshiiskii ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF), heshiiskaas oo la xiriira geedi-socodka doorashooyinka 2020/21.

Waxay qirayaan in heshiiskan uu ka dhashay wadahadal ay Soomaali garwadeen ka tahay isla markaana ay Soomaali leedahay, kaas oo dhexmaray madaxda DFS iyo DGXF, waxayna saaxiibadu fahamsanyihiin in qaar ka mid ah faahfaahinta geedi-socodkii lagu heshiiyay aan weli la caddeynin, oo saamilley dheeraad ah lagala tashan karo.

Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay.

Iyadoo la eegayo mustaqbalka, saaxiibada beesha caalamku waxay dhiirigelinayaan in horumar dhakhso ah laga gaaro dhismaha hay’adaha kale ee demoqoraadiyadda Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan guddiga adeegga garsoorka iyo guddiga xuquuqul insaanka, iyadoo ay barbar-socdaan dadaallada lagu horumarinayo dib-u-eegista Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah iyo in la xaqiijiyo dhowridda ballanqaadyada caalamiga ah ee khuseeya xuquuqul insaanka. Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan khariidad/tub ay la socdaan bartilmaameedyo qeexan, oo ay ku heshiiyaan madaxda siyaasadda Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumar demoqoraadiyadeed dhab ah/la taaban karo oo horay loogu sii socdo.  Saaxiibada beesha caalamku waxay ugu baaqayaan madaxda DFS iyo DGXF inay sii wadaan kulamada joogtada ah iyagoo yeelanaya wadahadal iyo isu-tanaasul si wax looga qabto arrimaha degdegga ah ee hortabinta qaran leh, oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta amniga iyo dhaqaalaha iyo sidoo kale siyaasadda loo dhanyahay.
 

* Belgium, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Japan, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Suudaan, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON