Monday, July 14, 2025

Beesha Caalamka oo ka hor timid muddo kororsiga Farmaajo (Akhriso go’aanka 14 Dal, UN-ka AMISOM EU & IGAD)

Beesha Caalamka ayaa wadajir u soo saaray Qoraal ay muddo kororsiga Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ku tilmaameen mid halis ku ah amniga iyo xasiloonida Soomaliya.

Qoraalka Beesha Caalamka oo uu faafiyey xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa soo saaray 14 dal oo u badan dalalka Yurub iyo UN-ka oo uu wehliyaan AMISOM iyo IGAD, wuxuuna u qornaa sida soo socota:

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Kanada, Danmark, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay waxay aad uga walaacsanyihiin meelmarinta 12kii Abriil uu Golaha Shacabka meelmariyay qaraar lagu bedelayo heshiiskii 17kii Sebtember, qaraarkaas oo xambaarsan geedi-socod doorasho oo ay ka dhalan doonto muddo kordhin dheeri ah oo ku timaadda muddo xileedkii loo igmaday Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.

Waxaan si isdaba joog ah u sheegnay in aan la taageeri doonin geeddi-socod siyaasadeed oo is barbar socda, doorashooyin aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo keenaya kordhinta muddo xileedkii hore.

Qaraarka 12kii Abriil wuxuu wiiqayaa nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo meelo ka baxsan. Qaraarkan ayaa sidoo kale sii daahin doona qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo kuwaas oo ay sugayeen dadka Soomaaliyeed.

Waxaan ku qanacsannahay in hirgelinta heshiiskii 17kii Sebtember uu yahay hanaanka ugu wanaagsan ee waxqabad ee la heli karo sidaa darteed, waxaan ku boorinaynaa madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka inay si dhakhso leh ugu soo laabtaan wadahadallada si loogu heshiiyo habka hawsha horey loogusii wedi lahaa. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, ayna sii wadaan wadahadalka, iskana ilaaliyaan ficillada halka dhinac ah ee kicin kara xiisadaha.

Waxaan diyaar u nahay inaan bixinno adeegyada dhexdhexaadinta si loo fududeeyo loona soo nooleeyo wadahadal loo dhan yahay oo ku saleysan heshiiskii 17kii Sebtember.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON