Saturday, July 5, 2025

Beesha Caalamka oo Madaxda Dhuusamareb uga digtay Heshiisyo cusub oo Doorasho iyo Dib u dhac.. (Akhriso)

Beesha caalamka ee loo yaqaan ‘Saaxiibada Beesha Caalamku’ ayaa soo dhoweyay kulanka dhex maraya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka oo hadda ka socda magaalada Dhuusomareeb.

Qoraal kasoo baxya beesha Caalamka ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay dhammaan ka qaybgalayaashu ay si wax ku ool ah uga qayb qaataan si loogu heshiiyo hirgelinta hanaanka doorashooyinka qaran heshiiskaas oo dhowraya qaabka doorasho ee heshiiskii 17kii Sebtember.

“Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo beddel ka ah kii lagu heshiiyay, oo ay ka midyihiin geeddi-socod kale oo kan barbar socda ama doorashooyin qayb ah oo aan loo dhammayn, ama tallaabooyin kale oo aan ahayn hanaanka doorashooyinka lagu heshiiyey, ay noqon doonaan dib-u-dhac aan heli doonin taageerada saaxiibada caalamka. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan madaxda siyaasadda inay mudnaanta siiyaan sidii lagu heli lahaan hab horay loogu socdo iyadoo jirin dib u dhac dheeraad ah” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Beesha Caalamka oo digniin ahaa.

Saaxiibada beesha caalamku waxay mar kale ku baaqeen dhammaan madaxda Soomaaliya inay heshiis wadar ogol ah oo la isku raacsan yahay ka gaaraan hirgelinta doorashooyinka si deg deg ah oo oo ah arrin ay danta qaranku ku jirto.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa kala ah: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON