Saturday, February 27, 2021

XOG: Beesha Caalamka oo faragelin ku sameysay Qorshihii Farmaajo ee Baarlamaanka iyo muddo Kordhintii laga…

Wakilada Beesha Caalamka ayaa la sheegay inay faragelin ku sameeyeen Qorshihii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku doonayey inuu dib ugu soo laabto Muqdisho iyo kulankii uu isugu yeeray Baarlamaanka 5-ta Bishan Febraayo 2021 ee Jimcaha Berri.

Xogta la helay ayaa sheegeysa inay wakiilada Beesha Caalamka kuwooda saameynta leh sida Mareykanka iyo Midowga Yurub ay Madaxweyne Farmaajo cadaadis ku saareen inuusan Magaalada Dhuusamareeb ka tegin iyadoo aan go’aan iyo heshiis kama dambeys ah laga gaarin Doorashada iyo jadwalkeeda.

Ad

Wadahadallo toos ah iyo fariimo ka yimid beesha caalamka ayaa si cad loogu sheegay Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda ku shirsan Dhuusamareeb inuusan jirin waqti kale, isla markaana aan shirka loo kala kicin iyadoo aan la gudagelin doorasho heshiis lagu yahay, waxay kaloo wakiilada beesha caalamka meesha ka saareen waqti kororsi loo sameeyo Madaxweynaha iyo xukuumadda.

Go’aanka Beesha Caalamka waxaa si toos ah loo gaarsiiyey guddoomiyaha Baarlamaanka Maxame Mursal Sheekh oo Turkgia uga soo laabtay kulnka uu Baarlamaanka Federaalka ugu yeeray Madaxweyne Farmaajo, waxaana la gaarsiiyey inuusan jriin waqti kordhin iyo dib ugu noqosho Doorasho midna.

Arrintan ayaa keentay in madaxweyne Farmaajo uu ka baaqdo qorshihii ahaa Khamiista maanta gelinka dambe dib ugu laabto magaalada Muqdisho, iyadoo kulankii Baarlamaanka dib loogu dhigay xilli aan la cayimin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

155,213FansLike
2,430FollowersFollow
5,729FollowersFollow
155,213FansLike
2,430FollowersFollow
5,729FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!