Beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa caawa soo saartay qoraal kooban ku wajahan doorashada Soomaaliya, xilli maalinta berri ah lagu wado inay dhaco doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Xubnaha beesha caalamka ayaa ku boorriyay xildhibaannada labada aqal in ay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka, ayna doortaan musharax ay dan ugu jirto dalka.
“Waxaan ku boorinaynaa Xildhibaanada inay ku codeeyaan damiirkooda iyagoo dooranaya musharaxa ay rumeysan yihiin inuu la imanayo siyaasadda iyo tayada hogaamineed ee lagu hormarinayo nabad, xasillooni, barwaaqo, iyo dowladnimo suuban sanadaha soo socda,” ayay beesha caalamku ku tiri qoraalkeeda iyado tilmaan ka bixisay nooca musharaxa ay tahay in loo doorto xilka madaxweynaha.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa caawa ilaa subaxnimada Isniinta ah ka jiri doona bandaw ay booliiska Soomaaliya ku dhawaaqeen in uu ka hergalayo caasimadda. Booliiska ayaa sabab uga dhigay bandaw walaac dhanka amniga ah iyagoo mamnuucay dhammaan dhaqdhaqaaqyada dadweynaha marka laga reebo kuwa daruuriga ah ilaa xilliga ay doorashadu ka dhamaaneyso.
In ka badan 30 musharrax ayaa ku tartamaya codeynta berri ka dhaceysa teendhada Afisyooni, waxaana ka mid ah madaxweyne Farmaajo oo waqtigiisu dhamaaday horraantii sanadkii hore, labadii madaxweyne ee xilka uga horreeyey iyo siyaasiyiin kale.