Tuesday, July 1, 2025

Beesha Caalamka oo taageertay Go’aanka Guddoonka Baarlamaanka, kana digtay Dib u dhac kale…

Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay ku dhawaaqista guddiga qabanqaabada baarlamaanka ee ah in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto maalinta Axadda ee 15ka bisha Maajo 2022.

“Waxaa na dhiirigelinaya horumarka wanaagsan ee laga gaaray diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee doorashada”. ayaa lagu yiri Qoraal ay wadajir u soo saareen wakiilada Beesha Calamaka ee Soomaliya

Beesha Caalamka waxay si toos ah u taageertay go’aanada madaxda Baarlamanaka cusub ee Federalka. “Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo sabab u noqon karta dib u dhac kale oo dheeraad ah. Iyadoo labada Aqal ee Baarlamaankaba la dhaariyay oo si buuxda u shaqeynayaan, arrin kasta oo doorasho oo taagan waa in ay xalliyaan madaxda baarlamaanka ee sida saxda ah loo doortay.”

Waxay ku boorinayeen madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah, nabdoon oo kalsooni ku dheehan tahay ku soo gabagabeeyaan marxaladdan kama dambeysta ah ee geeddi-socodka doorashada si loogu soo jeesto arrimaha dalka iyo dowlad-dhisidda ee mudnaanta leh.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON