Seddexda wargays ee ugu afka dheer dalka Kenya iyo guud ahaanba Geeska Afrika ee kala ah Daily Nation, The Times, iyo Kenya Satellite News Network ayaa daabacay warbixin ay ugu magac dareen Iftiinka Rajada Hoggaamineed ee Soomaaliya oo ay ku sheegeen in Musharrax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle uu yahay musharraxa ugu cadcad in uu ku guulaysto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxay tilmaameen in musharrax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle uu haysto taageerada shacabka iyo tan beesha caalamka oo ay dowladaha deriska ugu horreeyaan.
Waxay sheegeen in siyaasadahiisa dabacsanaanta, nabadda, dib u heshiinta iyo wada noolaanshaha ku dhisan ay aad u soo jiiteen indhaha bulshada Soomaaliyeed iyo diblumaasiyiinta ajnabiga ah.
Waxaa wargaysyada qoreen in musharrax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle uu wacdaro muujiyay muddadi sannadka iyo barka ahayd ee uu taagnaa is mari waaga doorashada, isaga oo ahaa musharraxa kaliya ee nabadda u ololeeya. Waxay wargaysyadu muujiyeen dareen walwal iyo walaac leh haddii uu doorashada ku guulaysto musharrax aan Daahir Geelle ahayn, iyaga oo sheegay in colaad iyo ka aargudashada la fili karo.
Waxay wargaysyadu qoreen in xiriirka dhaw ee musharraxa la leeyahay diblumaasiyiinta ajnabiga ah ee Soomaaliya ka howlgala iyo booqashooyinka joogtada ah ee ay is waydaarsadaan ay muujinayso taageerada iyo garab istaagga ay u hayaan.
Musharrax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa kamid ah musharriinta ugu cadcad in ay ku guulaystaan siyaasadda Soomaaliya, warbixintan ay wargaysyadu daabaceen iyo xelliga ay ku soo aadday ayaa abuuray hadal-hayn ah in uu taageero xooggan ka haysto dowladaha deriska iyo dalalka Soomaaliya daneeya.
