Beesha Caalamka ayaa war kasoo saartay arrimaha Doorashooyinka 2020/2021 iyo xaaladda ka taagan dhismah Guddiyada Doorashada.
Qoraal kasoo baxay Wakiilada Beesha Calaamka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawiga wadar-oggolka kaas oo horseeday heshiisyo la gaaray intii lagu guda jiray wadatashiyadii u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada ee ka kala dhacay Dhusamareeb iyo Muqdisho.
“Waxaan dhiirigalinaynaa wadahadal waara oo ku jaan-go’an habka-shaqo ee u degsan Golaha Wadatashiga Qaranka, wadahadalkaas oo lala yeesho saamilayda kale ee muhiimka ah si geedi-socodka doorashada loogusii ilaaliyo tubtiisa, uuna u noqdo mid loo wada dhanyahay…” ayaa lagu yiri Qoraalka Beesha Caalamka.
Waxay Beesha Caalamka si gaara u sii adkeysay arrimaha soo socda:
1- Xaqiijinta wadar-oggol laga gaaro dhismaha guddiyada maamulka doorashooyinka, oo ay tahay in boqolkiiba 30 ay ku jiraan matalaadda haweenka,
2- In xal laga gaaro khilaafaadka ku saabsan sida codbixinta doorashada federaalka uga dhacayso gobolka Gedo.
3- In xal loo helo kuraasta loo qoondeeyey beelaha Somaliland
Arrimahan ayaa lagu sheegay qoraalka Beesha Caalamka inay muhiim u yihiin daahfurnaanta, sharciyadda, suurtagalnimada iyo hirgelin waqtigeeda ku dhacda ee geedi-socodka doorashada.
“Waxaan ugu baaqeynaa madaxda DFS iyo DGXF, guddiyada maamulka doorashooyinka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah inay qaadaan dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo in ugu yaraan boqolkiiba 30 Xildhibaanada iyo Senetarada ka imaanaya beel kasta ay yihiin haween isla markaana doorashadu ku dhacdo waqtigeeda… Waxaan sii wadi doonnaa in aan la shaqayno dhamaan saamilayda Soomaaliyeed si aan ugu doodno hirgelin hufan oo la hirgeliyo doorasho federal ah oo nabdoon, lagu kalsoonyahay oo ay hogaankeeda leeyihiin dadka Soomaaliyeed, taas oo ku salaysan wadar-oggol iyo ballan-qaadyadii uu sameeyay Golaha Wadatashiga Qaranka..” ayaa lagu soo gabgabeeyay War-saxaafadeedka Beesha Calaamka.
* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.
