Wednesday, July 2, 2025

Mucaaradka oo bilaabay inay soo bandhigaan taageerayaasha Farmaajo ee ka mida Guddiyada Doorashada

Madaxda Mucaaradka ayaa bilaabay inay shaaciyeen magacyada iyo muuqaallada Wiilasha taageerayaasha u ah Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaao ee loo magacaabay inay ka mid noqdaan Guddiyada Doorashada 2020/2021.

Musharaxa xilka Madaxweynaha ee C/raxmaan C/shakuur ayaa bartiisa soo dhigay muuqaalka Nin lagu magacaabo Ibraahim Xasan Xaaji iyo sawir uu ka muuqdo inuu si buuxda ugu taageero dib u doorashada Fdarmaajo. “Wiilkaan wuxuu ka mid yahay guddigii doorashada ee uu Raysalwasaare Rooble xalay magacaabay, saakayna tababarka u furay. Sow ma cada in uu Madaxweyne Farmaajo yahay nin doonaya in uu kaligii tartamo…” ayuuna farriintiisa ku yiri

Dhinaca kale Madixii Protocol-ka ee Madaxtooyada Soomaaliya xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh ninka lagu magacaabo C/raxman Dahir Cusmaan ayaa isna soo bandhigay xubin kale oo ka mida taageerayasha Farmaajo ee lagu daray Guddiga Doorashada Maxamed Warsame Sandhool, kaasoo aan kaliya ahayn taageere Farmaajo laakiin aflagaado u geysta madaxda kale.

Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo Khilaafka ayaa lagu eedeeyay dowladda inay ka buuxisay xubno taageera Madaxweyne Farmaajo iyo saraakiil ka tirsan NISA, waxayna sidoo kale Guddyada Maamul Goboleedyada ku darsatay min 3 xubnood oo sidoo kale taageerayaal u ah horeba u caddeeyay inay si buuxda u doonayaan dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Xubno kale ayaa la filaya in saacadaha soo socda baraha bulshada lagu faafiyo muuqaaladooda iyo caddeymahooda, waxaana hore loo shaaciyey magacyada iyo beelaha ilaa 9 sarkaal oo ka mida Guddiyada Doorashooyinka, kana tirsanaa NISA.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON