Monday, July 7, 2025

Beesha Calaamka oo Tub Cusub u dejisay Dowladda soo socota & Go’aanka ku Qarsoon (Akhriso)

Bayaankii Wakiilada Beesha Caalamka kasoo saartay Heshiiska Doorashada ee ay madaxda Soomaalida ku gaareen magaalada Muqdisho wuxuu bannaanka soo dhigay arrimo badan oo caddeyn u ah sida Beesha Caalamka u aragto xaalada siyaasadda dalka.

Qoraalka ka muuqday niyad-jab weyn, waxaa lagu caddeeyay fashilka Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana lagu dejiyey Tubta cusub iyo shaqada laga rabo inay qabato Dowladda soo socota:

Guud ahaan War-saxaafadeedka Beesha Caalamka waxaa lagu caddeeyay inay taageersaneyn heshiiska Doorasho ee ka dhacay Villa Somalia, wax qeyb ahna aysan ku lahay, taasoo laga fahmi karo xaqiiqada ah inaysan dhaqaale ku bixin doonin Doorashada Dadban ee 2020/2021.

Dowladda hadda jirta waxaa lagu calaamadeeyay inay ku fashilantay wixii oo igmaday ee ahaa Doorasho Qof iyo Cod ah, Dhammeystirka Dastuurka, Xuquuqda Insaanka iyo Ballanqaadyadii caalamiga ahaa ee dowladdu gashay.

Arrimaha tubta cusub ee loo dejinayo dowladda cusub waxay ka tilmaameen:

1- Dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka

2- Dhismaha Guddiga xuquuqul insaanka

3- Dib-u-eegista Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah

Beesha Caalamka oo dhaqaale badan ku bixisay Guddiga Doorashooyinka Qaran, wax badan-na laga iibiyey in Doorasho Qof iyo Cod ah, waxay hadda u muuqataa inaysan wax taageero ah u heynin doorashada soo socota ee 2020/2012, balse ay dooneyso inay noqoto doorasho xor iyo xalaal ah oo aan lagu shuban ama musuq loo adeegsan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON