Sunday, March 26, 2023

Beesha Calaamka oo War kasoo saartay Dagaalka Laascaanood iyo Qodobo ay soo jeediyeen

Saaxiibada Beesha caalamka eee Soomaaliya ayaa War kasooo saaray xaaladda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay dagaallo ku dhex marayeen ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka.

Qoraal uu baahiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayey wakiilada Beesha Caalamka ku sheegee inay aad uga walaacsan rabshadaha haatan Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.

Waxay soo jeediyeen baaq xabad joojin iyo qodobo kale. “Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal”. ayaa lagu yiri qoraalka Beesga Caalamka.

Ad

Wakiilada warkan soo saaray ayaa kal ah: Howlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay. 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,959FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,958FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!