Beesha uu kasoo jeedo Sheekh Cali Maxamed Faarax (Sheekh Cali Dheere) ayaa ka hor yimid natiijada baaristii dilka Sheekha oo uu shaaciyey xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda ciidamada Qalaba sida.
Shir ay Beesha Sacad ku yeelatay magaalada Muqdisho ayaa lagu cambaareeyay warkii uu shaaciyey xeer ilaaliye ku xigeenka Ciidamada Milateriga, oo la sheegay inuu ahaa mid khilaafsan natiijada kasoo baxday baaritaanka, isla markaana uu keligii sheegay war aan sax ahayn, iyagoo dalbaday in Guddi cusub loo saaro arrintaasi oo aan fito laga shaqeyn.
Waxgaradka, Odayaasha iyo Culimada ehelka Sheekh Cali Dheere oo lagu dilay degaan u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Goldogob ayaa lagu dalbaday arrimaga soo socda:
1- In Guddigii Baarista aysan howshiisu ahayn xaqiiqo ah oo aan dhameysirneyn.
2- In Baarista Meel soke laga soo celiyay, iyadoo aan la baarin Dadkii ay ahayd in la baaro
3- In dib loogu noqdo baarista oo Guddi cusub oo madax bannaan loo magacaabo.
Waxay ugu baaqeen madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) inuu xaaladda soo farageliyo, waxayna Ra’iisal wasaare Rooble ka dalbadeen inuu arrintan gacan ka geysto.
